Make your own free website on Tripod.com
« May 2012 »
S M T W T F S
1 2 3 4 5
6 7 8 9 10 11 12
13 14 15 16 17 18 19
20 21 22 23 24 25 26
27 28 29 30 31
You are not logged in. Log in
Entries by Topic
All topics  «
kusoo dhawada
Blog Tools
Edit your Blog
Build a Blog
RSS Feed
View Profile
My Blog
Sunday, 21 October 2007
sawiro

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Safar Gaaban Ku Tegay Caana-xadhigle (Daawo Sawirada Safarka garaadka )

Warkii 24-Jun-2006 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush

 Garaad jaamac garad cali Iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maalinimadii jimcichii booqasho qaadatay saacado ku tegay Baliga Caana Xadhigle ..

 

 

 

 

 

 

Booqashada Garaadka ayaa waxay la xidhiidhiy Marti qaad uu ka helay beel ku ala baryey say baliga caana xadhigle oo qiyaastii 10km u jira tuulada Karin dabaylwayn .

 

 garaad jaamac ,xaabsade iyo cabdi baradho

 

Garaad jaamac, Maxmed Garaad C/qani, Ing:axmed Buraale

 

Garaad Jaamac Iyo Awdaahir

Beesha ku alla bariday caana xadhigle oo ka mid ah beelaha degan hawdka bariga degmada laascaanood ,ayaa aad usoo dhoweeyey imaatinka garaadka , iyadoo loo diyaariyey dhul aad u qurxoon isla markaana lagu qurxiyey alaaba hidaha iyo dhaqanka ..

 

 Ing:Axmed Buraale

 

Ing:Axmed Buraale iyo Xaaji Cabdi Baradho oo Taagan caana xadhigle

Ing:Axmed Buraale Iyo Xaaji Cabdi Baradho Oo Taagan baliga Caana-xadhigle

Garaad Jaamac ,XAabsade Iyo aXmed Caato

Safarka garaad ayaa waxaa ku weheliyey wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dowlad goboleedka puntland Mudane:Axmed cabdi xaabsade, Iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Sool, Sanaag, Iyo Cayn Ee Waqooyiga America iyo yurub ayna ka mid ahaayeen Ing: Axmed Buraale, Oday Xaaji Cabdi Baradho, Iyo Col: Axmed Caato ..

Garaad Jaamac Oo Lugaynaya Baliga Caanaxadhigle 

 

Garaad Jaamac Oo uducaynaya Dadka xanuunsan

 

Garaad jaamac Iyo Wasiir xaabsade

Alla Bariga ka dib ayaa waxaa bilaabmay shirwayn oo uu Ku furay sheikh Maxamuud Xaliike Wacdi iyo waana dheer  Iyo talooyin wax ku ogaal ah oo diini ah , intaasi ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay Wasiirka arimaha gudaha iyo  amniga Puntland axmed cabdi xaabsade oo Uga mahad celiyey garaadka Imaanshaha uu yimid alla bariga Beesha halkaasi ku alaa bariday isla markaana uu wasiirku ka soo jeedo , wasiirku isagoo markaasin ku hadlaya afka beesha alla bariday ayuu uduceeyey garaadka isla markaana gudoon siiyey 100 halaad oo geel ah ..

 Garaadka oo Ducaynaya

 

dadwaynihii ka soo qayb galay

 

Wefdidii Garaadka

Ugu danbayntii garaad jaamac garaad cali garaad jaamac ayaa ducooyin aad ufara badan ku xidhay shirkii , garaadka ayaa aad ugala soo dardaarmay dadwaynihii meesha isugu yimid inay ilaaliyaan nabada wax alaale waxii ay qabanayaan ugu horaysiiyaan nabada ,

Nabadu waaa waxa dadku iyo duunyaduba ku dhaqan to waa inaynu ilaalinaa isagoo ka hadlaya nabada waxaa uu yidhi garaadku(Aniga iima aydaan dhiiban warshedo,Beero, Dhaqaalo fara badan oo meel idiin yaala isla markaa aan idiin iaaliyo balse waxad ii dhiibateen waa dadka nool nool ee dhalinyaraada ubadan sida kaliya ee dadkaasi ku dhaqmi karaana waa nebad gelyada  tolow nabad gelyada aan ilaalino) ayuu yidhi garaad jaamac garaad cali..


Posted by c.nuur10 at 1:05 PM EDT
Friday, 4 May 2007

Mood:  a-ok
Now Playing: kusoo dhawada walaalayaal
Topic: kusoo dhawada
Dhaqanka, luqadda iyo hab nololeedka dhamaan Soomaalidu waa iskaga mid meel kasta oo ay Soomaalidu kaga noolyihiin Soomaaliya. Soomaalidu badanaa waa dad isugu jira ree-guuraa, beeraley, kalluumaysato, iyo kuwo magaalooyinka deggan. Afka ay kuhadlaan dadka Soomaalidu waa Af-Soomaali, waana af aad u qadiim ah, wuxuuna la bah yahay afka loo yaqaan Kushitik [cushitic]. Waxaase laqoray afka Soomaaliga sannadkii 1972kii.

Dhanka baadiyaha Soomaalida deggani waa dad aan meel ku negeyn oo had iyo jeer guur-guura. Waxayna dhistaan Aqal-Soomaali, kaas oo ah mid dhismihiisa iyo raridiisuba ay sahlan tahay. Reerguuraagu waxay dhaqdaan xoolo ,kuwas oo noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka helaan xoolaha nool. Soomaalida reer guuraaga ah waxay aad u qiimeeyaan geela. Geelu wuxuu u leehay Soomaalida manaafacaad badan, waana daabadda ugu muhiimsan oo ay haystaan, inkasta oo meelaha buuraha iyo qararka ay muhiim kayihiin dameeruhu.

Soomaalida deggan labada webi iyo inta ku xeeran waa dad beero falato ah, waxayna dhistaan guryaha nooca loo yaqaan cariish iyo mudul. Nolol maalmeedkooda waxay kasoo saaraan beeraha, iyadoo dhulka webiga agagaarkiisa ah uu yahay mid aad ugu habboon waxsoosaarka. Waxay lasoo baxaan miro fara badan iyo weliba khudaar [qudaar] kala nooc nooc ah. Dhanka badda Soomaalidu aad ugama faaiidaystaan. marka laga reebo magaalooyinka Baraawe iyo Caluula oo dadka kunool labadaas magaalo ay si weyn uga faa'iidaystaan khayraadka dhexjiifa badda dheer ee soomaaliya.

Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka, badanaa waa dad ganacsato ah. Waxayna u kala baxaan qayb dibedda wax kasoo dejisa iyo qayb waddanka dhexdiisa ka ganacsata. Waddanka gudihiisa meelaha ay ka ganacsadaan ama wax ku gataan waxaa kamida:dukaanno, macdaarro yaryar, tubaaka-hayo [tabakaayo], firsho ama warato, suuqweyne [markaato], suuqa xoolaha, iyo kuwo kale. Dadka Soomaalidu waxay ka kooban yihiinqabaa-il [qabiilooyin].

Akhritow waxaad xusuustaa in Ilaah uu bini-Aadanka  ka dhigay shacabyo iyo qabaa'il kala gedgedisa. Sidaas daraadeed waa in aad ogaataa in uu san qabiilku ahayn sida Soomaalidu ay u tarjuntey. Waxaad eegtaa waddamada deriska la ah soomaaliya, sida Kenya iyo Ethiopia. Waxay waddamadaas dadka ku dhaqani si rasmi ah u adeegsadaan qabiilka, waxaadna arkeysaa in la dhehayo nika madaxda ah ee kenyaatiga ah, tusaale ahaan, waa Kalanjiin ama masaay. Xataa u fiirso Soomaalida Jabuuti waxay si caam ah kuu oranayaan hebel oo Ciise ama Canfar (Cafar) ah, wax ku jabanna ma leh. Maxaa Soomaalidu ugu dhaqantaa qabyaaladda oo qabiilka uga warwareegtaa. Jawaabta akhristahaan u dhaafay.

Tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasay sida hoos ku qoran


Posted by c.nuur10 at 9:29 AM EDT

Newer | Latest | Older