Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Safar Gaaban Ku Tegay Caana-xadhigle (Daawo Sawirada Safarka garaadka ) |
| Warkii 24-Jun-2006 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush |
Booqashada Garaadka ayaa waxay la xidhiidhiy Marti qaad uu ka helay beel ku ala baryey say baliga caana xadhigle oo qiyaastii 10km u jira tuulada Karin dabaylwayn .
Beesha ku alla bariday caana xadhigle oo ka mid ah beelaha degan hawdka bariga degmada laascaanood ,ayaa aad usoo dhoweeyey imaatinka garaadka , iyadoo loo diyaariyey dhul aad u qurxoon isla markaana lagu qurxiyey alaaba hidaha iyo dhaqanka ..
Ing:Axmed Buraale Iyo Xaaji Cabdi Baradho Oo Taagan baliga Caana-xadhigle
Safarka garaad ayaa waxaa ku weheliyey wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dowlad goboleedka puntland Mudane:Axmed cabdi xaabsade, Iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Sool, Sanaag, Iyo Cayn Ee Waqooyiga America iyo yurub ayna ka mid ahaayeen Ing: Axmed Buraale, Oday Xaaji Cabdi Baradho, Iyo Col: Axmed Caato ..
Alla Bariga ka dib ayaa waxaa bilaabmay shirwayn oo uu Ku furay sheikh Maxamuud Xaliike Wacdi iyo waana dheer Iyo talooyin wax ku ogaal ah oo diini ah , intaasi ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Puntland axmed cabdi xaabsade oo Uga mahad celiyey garaadka Imaanshaha uu yimid alla bariga Beesha halkaasi ku alaa bariday isla markaana uu wasiirku ka soo jeedo , wasiirku isagoo markaasin ku hadlaya afka beesha alla bariday ayuu uduceeyey garaadka isla markaana gudoon siiyey 100 halaad oo geel ah ..
Ugu danbayntii garaad jaamac garaad cali garaad jaamac ayaa ducooyin aad ufara badan ku xidhay shirkii , garaadka ayaa aad ugala soo dardaarmay dadwaynihii meesha isugu yimid inay ilaaliyaan nabada wax alaale waxii ay qabanayaan ugu horaysiiyaan nabada , Nabadu waaa waxa dadku iyo duunyaduba ku dhaqan to waa inaynu ilaalinaa isagoo ka hadlaya nabada waxaa uu yidhi garaadku(Aniga iima aydaan dhiiban warshedo,Beero, Dhaqaalo fara badan oo meel idiin yaala isla markaa aan idiin iaaliyo balse waxad ii dhiibateen waa dadka nool nool ee dhalinyaraada ubadan sida kaliya ee dadkaasi ku dhaqmi karaana waa nebad gelyada tolow nabad gelyada aan ilaalino) ayuu yidhi garaad jaamac garaad cali.. |
Garaad jaamac garad cali Iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maalinimadii jimcichii booqasho qaadatay saacado ku tegay Baliga Caana Xadhigle ..









